Aasaaska Dowladda
Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa si rasmi ah loo dhawaaqay 30-kii Luuliyo 2025, kaddib shir weyne oo ka dhacay Laascaanood oo ay ka qayb-galeen 417 wakiil oo matalayay bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn/Buuhoodle. Shirkaas waxaa lagu meel-mariyay dastuurka cusub iyo calanka dowladda.