Laascaanood: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Teknolojiyada Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Axmed Cabdirisaaq Diiriye, ayaa caalamadii shalay magaalada Laascaanood ku qabtay munaasabad casho sharaf ah oo uu u sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xamuud.
Munaasabadda oo ka dhacday mid ka mid ah huteellada magaalada Laascaanood ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta oo ku wehelisay safarka Taliyaha, mas'uliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi Bari, iyo marti sharaf kale oo ka kala socday hay'adaha dowladda.
Safarka Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xamuud ee uu ku yimid Laascaanood ayaa qeyb ka ah booqasho shaqo oo uu kaga qeyb galayo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay'adaha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka, gaar ahaan dhinaca tayeynta ciidamada asluubta iyo wanaajinta nidaamka xabsiyada dalka.
Taliyuhu wuxuu inta uu Laascaanood joogay la kulmay mas'uliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Waqooyi Bari, waxaana kulamadaas diiradda lagu saaray sida loo xoojin karo wada-shaqaynta labada heer ee dowladda, isla markaana loo hubiyo in hay'adaha caddaaladdu ay si buuxda u adeegaan shacabka.
Wasiir Axmed Cabdirisaaq Diiriye oo ka hadlay munaasabadda ayaa soo dhaweeyey booqashada Taliyaha, isagoo xusay in dowladda Waqooyi Bari ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta hay'adaha dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhinacyada caddaaladda iyo amniga.
Wuxuu wasiirku intaas ku daray in Wasaaradda Warfaafintu ay door weyn ka qaadanayso wacyigelinta bulshada oo ku aaddan howlaha dowladda, iyadoo warbaahinta dowladdu ay si joogto ah shacabka ugu gudbinayso xogta rasmiga ah ee howlaha dowladda iyo horumarada ka jira.
Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xamuud ayaa dhankiisa ka mahadceliyey dowladda Waqooyi Bari soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa, isagoo tilmaamay in Laascaanood ay tahay magaalo muhiim u ah midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
Munaasabadda casha sharafka ah ayaa ku soo idlaatay jawi walaalnimo iyo is-faham ah, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen in la sii xoojiyo iskaashiga, la dardargeliyo barnaamijyada tababar ee ciidamada, lana hubiyo in hay'adaha caddaaladdu ay shaqada gutaan si waafaqsan sharciga iyo xuquuqda aadanaha.