U gudub nuxurka
Calanka Dowladda Waqooyi BariDowladda Waqooyi Bari Soomaaliya
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari oo shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada DWBS

Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari oo shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada DWBS

17 Sebteembar 2026 — Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada DWBS

Madaxtooyada17 Sebteembar 2026Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada DWBS
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari oo shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada DWBS
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari oo shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada DWBS

Laascaanood, 17-09-2026: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada DWBS.

Ajandaha shirka waxaa ka mid ahaa: warbixinta Golaha, warbixinta xaaladaha amniga iyo difaaca, iyo ansixinta qabyo-qoraalka Xeerka Khayraadka Biyaha.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Golaha Wasiirrada ka dhagaystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, difaaca iyo shaqooyinka muhiimka ah ee u qabsoomay Xukuumadda iyo qorshayaasha shaqo ee horyaalla hay'adaha kala duwan ee dawladda.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dood iyo falanqayn ka yeeshay qabyo-qoraalka Xeerka Khayraadka Biyaha, kaas oo muhiim u ah nidaaminta, sugidda tayada, maaraynta iyo horumarinta khayraadka biyaha.

Dood iyo falanqayn dheer kaddib, Golaha Wasiirrada ayaa qabyo-qoraalka Xeerka Khayraadka Biyaha ku ansixiyay cod gacan-taag ah, si loogu gudbiyo Golaha Wakiillada DWBS si ay uga gutaan waajibkooda xeer-dejineed.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargeliyo qorshayaasha shaqo ee Xukuumadda, lana xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo horumarinta waxqabyada hay'adaha Dowladda.

Ku noqo Wararka